Bartamaha(Muqdisho):-Kooxo baskoolado ku hubaysan ayaa duhurnimadii maanta dil toogasho u geystay nabadoon Magaalada Muqdisho si weyn looga yaqaanay.
Bastooladleyda ayaa la xaqiijiyay in ay xabado ku kulmiyeen Nabadoon Cali Maxmed (Cali Ciro ) oo ahaa nabadoon xili ka mid ahaa golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.
Falka oo ka dhacay Isgoyska Siinaay ayaa waxa la sheegayaa in illaa 3-dhalinyara ah ay wadada u galeen Nabdoonka xilli uu ka soo baxay hoygiisa Degmada Wardhiigley islamarkaana ay 5-baalooto ku dhifteen.
Kooxaha dilka geystay ayaa goobtaasi isaga cararay iyadoo ay halkaasi soo gaareen ciidamada Islaamiyiinta oo fariisino ku leh qeyb ka mida deegaanka Siinaay Ee Demada Wardhiigley.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.