Nabadoon Caan ah oo Xalay lagu toogtay gudaha Degmada Wadajir.

Posted on Feb 13 2010 - 11:14am by News Desk
Tweet
Pin It

jowharBartamaha(Muqdisho):-Kooxo hubaysan ayaa Xalay ku dilay gudaha Degmada Wadajir xilli uu ka soo baxay Masjir ku yaala Xaafada Nasteexo.

Koox Bistoolado ku hubaysan ayaa Xalay Afaafka hoe Ee Masjid ku yaala  Xaafada Nasteexo Ee Degmada Wadajir  ku toogtay Nabadoon Caan ka ah Degmadaasi Wadajir.

Nabadoon Cabdi Calasow  ayaa waxaa la dilay xilli uu ka soo baxay Salaadii Cishaha iyadoo kooxda dilka geystay ay ahaayeen Saddex dhalinyara ah kuwaasi oo isaga cararay halkii ay ku dileen.

Xiliga uu dilka dhacay ka dib ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray Ciidamada Ammaanka Degmada kuwaasi oo bilaabay in ay baaritaan sameeyaan si loo soo qabto Kooxda dilka geysatay.

Degmada Wadajir ayaa dhawaanahayn ahayd mid dagan oo aanay ka dhicin dilalka inta badan caasimada ka dhaca iyadoo ay Deegaanadaasi ay u barakaceen inta badan dadkii isaga soo cararay Deegaanada Woqooyiga Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.