Bartamaha (Muqdisho):- Nabadoon Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Golaha dhaqanka Ee Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay isaga guuraan guud ahaan Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad.
Nabadoon Axmed Diiriye waxa uu ganacsatada ka soo jeeda Muqdisho uu ugu baaqay in ay hantida kala baxaan Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad oo maalin walba ay ku dhamaanayaan dad rayid ah.
Nabadoonka waxa uu sheegay in dagaalada ka socanaya Magaalada Muqdisho aanay muuqan in xiligan ay dhamaanayaan loona baahan yahay in la badbaadiyo inta yar ee ka hartay shacabkii daganayaa Muqdisho.
“Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ganacsatada ha isaga guureen… War allaah baan kugu dhaarshaye ma rajjo ayaa kuu muuqata mar hadii aanay cidi idiin naxayn,cidi idiin badbaadinayn hantidiina,mar walba la din dilayo la din duqeynayo la idinku dul dagaalamayo ma waxaas baa la eegan karaa …. war meesha isaga guura oo Bakaaraha iyo Suuq bacaad halagala baxo ganacsiga iyo hantida taala…..” ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali.
Nabadoonka ayaa ku taliyay in la badbaadiyo shacabka waxa uuna sheegay in aan la eegan karayn dhibaatada sii socota iyo dagaal maalin walba dhacaya oo shacabkii Muqdisho lagu dhameeyay dagaalka.
Baaqa Nabadoonkaasi ka mida waxgaradka Muqdisho ayaa imaanaya xilli caasimada Muqdisho goobta ugu badan ee shacabka ku dhamaanayo uu noqday Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad oo dadka lagu duqeeyo Madaafiic.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.