Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye ayaa si kulul u beeniyay warar dhawaanahan Magaalada Muqdisho laga hadal haayay.
Nabadoonka ayaa sheegay in aanay marnaba da’diisu tuseynin in Maleeshiyo beel uu sameeyo iyo in uu Ciidan Dowlada ku wareejiyo si tababar loo siiyo intaba taasi oo uu sheegay in ay faafiyeen kooxo nalosha u diidan.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa wax laga naxo oo lagu xumaado ku tilmaamay warar laga baahiyay oo ku aadanaa in uu wado abaabul Ciidan tababar ay siinayso Dowlada iyo samaynta Ciidan beeleed.
Axmed Diiriye Cali ayaa muujiyay qatarta ay leeyihiin wararka lagu daabaco wargeysyada iyo Websiteyada qaarkood kuwaasi oo uu qiray in ay halis galin karaan nolosha qof dhan.
Nabdoonka Afhayeenka ka ah Odayaasha Dhaqanka Hawiye ayaa maalmahaan warkiisa yareeyay isagoo baqdin ay kala soo diristay siyaasada Xiligan ka dib digniino loo jeediyay balse dhacdada haatan ayuu sheegay in ay dil bareer ah tahay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.