Muqdisho oo saaka xasiloon iyo Dhimashadii ugu badnayd oo ka dhalatay duqeyn shalay ka dhacday Magaalada.

Posted on Feb 11 2010 - 8:51am by News Desk
Tweet
Pin It

muqdisho,newBartamaha(Muqdisho):-Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib duqeyn  xoogan oo shalay gabal dhicii ka dhacday magaalada taasi oo sababtay dhimashadii ugu badnayd.

Dadka reer Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay jawi daganaansha ah ka dib duqeyn ba’an oo shalay gabal dhicii ka dhacday magaalada taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Qasaaraha ka dhashay duqeynta loo geystay Xaafadaha Suuqa Xoolaha,Suuq Bacaad,Carafaad,Fagax,Sii-Sii,Bakaaraha,Hodon iyo Dayniile oo si xun shalay lo garaacay ayaa sii badanaysa.

Inta la ogaaday dhimashada ayaa waxa ay gaaraysaa 31-ruux oo shacab ah iyo dhaawaca in ka badan 50-ruux oo dhammaan dad rayid ah oo madaafiicda ay kula habsatay deegaanadaasi.

Goobaha la duqeeyay ayaa waxa ay yihiin kuwa inta badan dadka ay daganyihiin islamarkaana barakaca uu yahay mid aad u yaraa dhawaanahan gaar ahaan goobaha la duqeeyay qaarkood.

Isku soo duub xaalada ayaa saaka ah mid dagan iyadoo lala tacaalayo dadkii dhaawaca uu soo gaaray oo dhammaantood ah kuwa halis ah maadaama ay madaafiicda yihin kuwa jirka oo dhan firir ahaan u galaya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.