Muqdisho oo saaka dagan iyo Madaafiic xalay la is dhaafsaday.

Posted on Jul 19 2010 - 6:48am by News Desk
Tweet
Pin It

DSC05253Bartamaha (Muqdisho):-Xaalada guud ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib dagaal la isku riiqmay oo shalay illaa xalay ka socday Woqooyiga Magaalada.

Dadka Caasimada ku nool ayaa saaka ku soo toosay jawi daganaansha ah xilli xalay ay ku seexden dhawaqa Madaafiicda iyo rasaasta  xoogan oo ay isku adeegsanayeen Alshabaab iyo Dowlada.

Xaalada guud ayaa saaka ah mid dagan waxaana labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan goobihii xalay dagaalka ay ku kala seexdeen wallow la sheegay in Maleeshiyada Shabaabka ay ka soo talaabeen KM.0. Islamarkaana ay haystaan Hotelki Jubba.

Xalay saqdii dhexe ayaa madaafiic xoog badan waxa ay isku adeegsadeen Kooxaha Mucaaradka iyo Dowlada iyo Amisom Xarumaha ay ka kala daganyihiin Caasimada Muqdisho.

Madaafiic ka dhacaysay PM-ka iyo Hoobiyayaasha ayaa laga tuurayay Villa Somalia iyo Xarunta Xalane waxaana ku soo dhacayay jawaab ka soo baxaysay dhanka Islaamiyiinta oo Qoryaha garabka laga gano la beegsanayay Madaxtooyada iyo Hoobiyayaal ku dhacayay Xalane iyo Xarumo kale.

Inta badan xilliga ay dagaalamaan Alshabaab iyo Dowlada ayaa waxaa la’da shacabka ugu badan markii Madaafiic aan loo aaba yeelin ay isku adeegsadaan Kooxahaasi iska soo wada horjeeda.

Isbitaalada Caasimada ayaa xalay illaa shalay gabal dhicii la kala geeyay 17-ruux oo dhaawac ah waxaana la aaminsanyahay in ay jiraan dhimashada dadka rayidka ah ee daganaa xaafadaha dagaalka iyo goobaha la garaacay intaba.

Xaalada ayaa u muuanaysa mid dagan waxaana laga baqanayaa in dagaalka ay mar kale galaan Taangiyada Amisom oo shalay isku dayay in ay badbaadiyaan dhismaha Hotelkii Jubba oo shabaabka u gacan galay.

Isku soo duub Shacabka Muqdisho wax a ay noqdeen kuwa ku dhimanaya gacanta Kooxaha isaga soo horjeeda Caasimada waxaana laga barakacay inta badan  xaafadaha ku yaala Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.