Bartamaha(Muqdisho):-Xaalada guud ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib dagaal qaraar oo ka dhacay Caasimada.
Xaalada guud Degmooyinka dagaalka ka socanayay 5-tii maalmood ee la soo dhaafay ayaa saaka ah kuwa aad u dagan wallow ay is hordhiyaan labada dhinac.
Xaafadaha Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho ayaa daganaan laga soo sheegayaa halkaasi oo ay ku dagaalameen maleeshiyaadka Shabaab iyo Askarta Amisom iyo kuwa Dowlada oo iskaashanaya.
Xaalada guud ayaa daganaan laga dareemayaa markii muddo 5-cisho ah ay dagaalamayeen Kooxda Alshababa iyo Dowlada.
Saaka ayaa la dareemay barakacii ugu balaarnaa abid markii dagaalka uu yara istaagay taasi oo fursad ay u noqotay dadkii ku go’doomay xaafadaha dagaalka ka dhacayay.
Degmooyinka Kaaraan,Shibis iyo Boondheere ayaa saaka dadki daganaa ay baneynayaan si aanay ugu soo laaban dagaal kale oo laga baqanayo in uu dib u qarxo.
Caruur,Haween iyo dhalinyaro isaga baxsanaya dagaalka ayaa lagu arkayaa wadooyinka  kuwaasi oo ka baqdin qaba dagaalka oo dib u qarxa.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.