Munaasabada Mowliidka oo Xalay si Nabadgalya ah looga xusay Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya.

Posted on Feb 27 2010 - 7:33am by News Desk
Tweet
Pin It

Xaflada_Mowliidka_1Bartamaha(Guri-Ceel):-Deegaanada ay Ahlu Sunnah Wal Jamaaca ka taliyaan ayaa Xalay lagu xusay dhalashadaNabigeen Muxamed(NNKH) iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.

Deegaanada ay maamulaan Ahlu Sunnah Wal Jamaaca Gobol.ada Dhexe Ee Soomaaliya ayaa Xalay guud ahaan laga dhafray iyadoo dadka ay u soo jeedeen Xuska dhalashada Nabigeenada Muxamed(NNKH).

DegmooyinkaDhabbad,Gelinsoor,Balan-Bal,CaabdudWaaq,Xeraale,Guri Ceel,Dhuusamareeb iyo deegaano kale ayaa  si toos ah Xalay Xuska Mowliidka loogu dhigay iyadoo dadka ay ka soo wada qeyb galeen.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana Ciidamo xoogan ay ku sugnaayeen aaagaga iyo fagaarayaasha ay munaasabadaha ka dhacayeen dhammaan Tuulooyinka iyo Degmooyinka ay maamulaan Ahlu sunnah.

Xuska dhalashasa Nabigeena Muxamed (NNKH) ayaa waxaa sanadan aan laga xusaynin Magaalooyin badan oo Soomaaliya ka mida sida Muqdisho deegaano ka mida oo Alshabaab iyo Xizbul Islaam ay ka mamucuuneen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.