Bartamaha(Muqdisho):-Waxaa maanta ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho munaasabad ay xil wareejin ah oo uu maamulkii hore ee gobolka Banaadir uu xilka ku wareejinayay maamulka cusub ee hadda la magacaabay.
Manaasabada xil wareejinta ah oo kadhacday hoolka shirarka ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano,wasiiro,fanaaniin,barbaarta gaashaaman iyo dadweyne kale.
Waxaa ugu horeyn goobta munaasabada ka dhaceysay ka hadlay gudoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Max’ed Cismaan Cali Dhagaxtuur, waxaana uu sheegay in u aad ugu faraxsanyahy xilka uu wreejinayo ee uu mudadda dheer soo haayay, waxuuna ugu baaqay maamulka cusub ee gobolka Banaadir in howsha uu halkeedii ka sii wado.
Waxaa sidoo kale goobtaasi ka hadlay gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir C/risaaq Max’ed Nuur Eng Nuuna, waxaana uu sheegay in shaqo badan uuka qaban doono gobolka banaadir islamarkaana uu wax weyn ka badali doono xaaladaha hadda kajira gobolka.
Goobta ay munaasabada ka dhaceysay ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa wasiirka arimha gudaha C/qaadir cali Cumar, wasiirka lacagta Eng Yariisow, R/wasaare ku xigeenka 1_aad C/raxman Ibi iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Gudoomiyaha Cusub dhexda.
Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa Saddexda Masuul
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Sheekadan oo kale meesha ka saara ma loo baahnee