Mudane Baarlamanka ka tirsan oo sheegay in Dowlada Madaxweyne Shariif ay guul daraysatay

Posted on Feb 26 2010 - 3:37pm by News Desk
Tweet
Pin It

baarlamankaaBartamaha(Muqdisho): Mudane ka tirsan Baarlamaanka DOWLADDA KMG ah ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay ku guulaysan wayday inay howlihii loo dhisay ku guulaysato muddadii sannadka ahayd ee ay jirtay.

Xildhibaan Max’ed Sheekh Yuusuf oo saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in dastuurka dalka u dagsan ay ku qoran tahay in dowladda ay muddo hal sano ah marka la dhiso ku hirigeliso nidaamka Federaalka ah, balse ay ku guulaysan wayday.

Dowladda jirta ee uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif waxay ku guulaysan waday inay dalka ka hirgeliso Nidaamka Federaalka, taasna waxay noqonaysaa inay mar kale kalsoonida waydiisato Baarlamaanka” ayuu yiri Xildhiaankan.

Mudanuhu wuxuu sheegay inay jiraan xildhibaanno diyaarinaya mooshin ka dhan ah Dowladda oo qeexaya inay weydiisato baarlamaanka codka kalsoonida si ay u kusii shaqeyso, dhawaanna la horgeyn doono baarlamaanka.

“Fadhiyadii baarlamaanka hakad ayay ku jireen muddo lix bilood ka badan, waxaana laga doonayay markii ugu dambeysay la xisaabtanka Dowladda welina uu horyaallo ajandahaas baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan Max’ed Sheekh Yuusuf.

Isku soo wada duubow, xildhibaankan wuxuu sheegay in haddii ay dowladdu weydiisan waydo kalsoonida baarlamaanka ay noqonayso mid aan sharci ahayn oo aan shaqeyn karin, isagoo ku eedeeyay qabsoomid la’aanta fadhiyada baarlamaanka inay dowladdu ka dambeyso.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.