Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaano ka tirsan Dowlada Fd Soomaaliy ayaa si diiran u soo dhaweeyay mowshinkii Baarlamanka shalay la hordhigay kaasi oo sharaxayay go’aanka sharciga dag0dag ah ee dalka la galinayo muddo.
Xildhibaano ka mida Baarlamanka ayaa bilaabay in ay fekeradooda ka dhiibtaan iyagoo si diiran u soo dhaweeyay go’aankaasi golaha wasiirada ay gaareen madaxweynuhuna uu ansixiyay kaasi oo shalay xildhibaanada loo qeybiyay.
C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mida mudanayaasha baarlamanka ayaa dhankisa sheegay in uu si diiran u soo dhaweynayo isagoo sheegay in loo baahanyahay in xildhibaanado ugaadaan muhiimada uu dalka u yahay xukunkaasi.
Xildhibaan C/risaaq Daahir Maxamud oo ka mida Xildhibaanada ayaa isaguna sheegay in uu go’aankaasi muujinayo sida dowladu ugu heelantahay sugida ammaanka qaranka iyo bad-baadinta dowlada aan tabarta wanaagsan lahayn.
Mudanayaal kale oo iyaguna ka hadlay Mowshinkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay ku baaqayaan ansixinta go’aankaasi iyo in aqlabiyad lagu ansixiyo maadaama uu dan u yahay dowlada soom,aaliya.
Illaa haatan waxaa jira cabsi xoogan oo laga qabo mudanayaasha cusub Ee aan ka mid ahayn xilli Dowladii hore ee la badalay iyadoo dhawaan ay gaashaanka u daruureen ansixinta Hishiiskii xagga Badda oo ay dowlada Fd soomaaliya la gashay Dowlada Kenya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.