Mucaaradka Libya oo Sheegay Magaalooyin Muhiim ah oo ku dhow Tripoli in ay Qabsadeen.

Posted on Aug 15 2011 - 7:32am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

pb-110329-libya-rebel-310aTripoli(www.Bartamaha.com)  Wararka Ka immanaya dalka Libya ayaa waxa ay sheegayaan Mucaaradka Libya in ay qabsadeen magaalooyin Istiraatiji ah oo u dhow caasimadda Tripoli, ka dib markii ay saaran ciidamadda dowladda.

Magaalooyinka ay qabsadeen waxa ka mid ah Zaawiya, oo 50kmgalbeedka u jirta Tripoli, iyo Gharyan, oo 80km koonfur kaga aadan.

Haddii ay magaalooyinkaas mucaaradka qabsadeen waxa hubaan ah in ay magaaladda Tripoli lagu hareereesan yahay siddaas waxa sheegay wariye BBC-da uga warama dalka Libya.

Afhayeen U hadlay Mucaaradka ayaa sheegay labada magaalo Zawiya iyo Gharyan ay wali maamulaan.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha Libya Korneel Mucammar Qaddafi ayaa markii ugu horreysay tan weerarka mucaaradka ku soo qaadeen deegadda ku dhow caasimadda waxa uu cajalad maqal ah oo soo dubay laga baahiyay TV-shanka Qaranka Libya Isniinta maanta ah.

Waxa uu ugu baaqay taageerayashiisa in ay siiwadaan dagaalka waxa uu yiri: “Waa in aad horrey u socotaan

“Waa in aad horra u socotaan,hubkana qaataan, una dagaalama in aad xurnimo gaarsiisaan Libya oo ay aad korqaataan kuwa khaa’inul wadan ah iyo Nato,” ayuu ku yir Cajalad maqal ah oo aad u qariban taas oo saaka laga baahiyay TV-ga Libyan.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa warar aan laka cadeen halka uu ka soo baxay waxa ay sheegtay in kulan uu dhexmaray matalayaan Gaddafi’ iyo Mucaaradka oo ku kulmay jasiirad ku taala Tunisian oo lagu magacaabo Djerba.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

www.Bartamaha.com Waa isha wararka Soomaalida iyo kuwa Caalamka.