Bartamaha (Muqdisho):- Kooxo dablay ah ayaa Xalay qafaashay Milkiilihii Hotel Peace Muqdisho iyo Nin Cadaan ah oo u shaqeynayay Save the children UK kuwaasi oo xalay lagala baxay guri ku yaala Cadaado.
Kooxo Hubaysan ayaa xalay waxa ay guri kala bexeen Laba nin oo mid ka mida uu ahaa Bashir Yusuf Osman oo ahaa Milkiilihii Hotel Peace ee Muqdisho halka ninka kale uu ahaa nin ka soo jeeda Cadaanka Zimbabwe.
Labadan nin ee la afduubay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ku sugnaa maalmihii u danbeeyay gudaha Deegaanka Cadaado ee Gobolkaasi Galgaduud waxana la aaminsan yahay in ay afduubeen Burcad is abaabushay.
wixii ku soo kordha xaalada dadkaasi la qafaashay kala soco www.Bartamaha.Com.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.