Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo Dowlada ka tirsan ayaa maanta qarax Miino meelaha fog laga hagay lagula beegsaday Xaafad ka mida Degmada Wadajir Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxa uu dhacay duhurnimadii maanta iyadoo uu la kacay qeynta danbe gaari nuuca “Waaraadkaâ€ah kaasi oo ay la socdeen Ciidamo Militariga ka mid ah.
Illaa 4-Askari ayaa ku nafweysay Miinadaasi la kacday gaariga iyadoo dhaawacyo 5-ruux oo Ciidan iyo askar leh halkaasi laga qaaday oo loola cararay Isbitaalada Muqdisho.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo Dowlada ka tirsan kuwaasi oo rasaas ku furay dad goobta ka soo dhawaaday qaraxa ka dib iyadoo qasaara ay ka dhalatay rasaastaasi.
Dadka Muqdisho dhawaanahan waxa ay iloobeen qaraxyada Miinada oo noqday mid Magaalada ku yaraaday gaar ahaan dhulka ay Dowlada ka taliso.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia