Midowga Yurub oo Eedeyn culus dusha uga tuurtay Midowga Afrika iyadoo dhaqaalihii Ciidamada Amisom xanibtay.

Posted on Oct 4 2009 - 7:20am by News Desk
Tweet
Pin It

euBartamaha(Adis-Abababa):-Midowga Yurub ayaa Ku Eedeeyay in ay nafaqo daro ugu dileen Soomaliya Ciidamada Amisom khinayanana ku sameeyeen dhaqaalihihii Ciidamdaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Maliyada Midowga Yurub Ee Arimaha Afrika ayaa  dhaliil culus loogu jeediyay madaxda Midowga Afrika oo la sheegay in dhaqaalihii Ciidamada Amisom afka ay u dhigteen.

 

Midowga Yurub ayaa qoraalkooda ku sheegay in dhawaan Ciidamo badan ay nafaqo daro ugu dhinteen Soomaaliya ka dib markii ay waayeen dhaqaalihii la siin jiray taasi oo ah mid sharci daro ah.

Midowga Yurub ayaa si toos ah u xanibay dhaqaalihii loo ururinayay Ciidamada Amisom oo marar dhowr ah loo soo diray balse aan Ciidamada la siinin taasi oo keentay in Ciidamo badan ay dhintaan islamarkaana nafaqo daro qaar la ildaranyihiin.

Hadalkan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa muujinaya khilaaf soo kala dhaxgalay labada Urur taasi oo salka ku haya Ciidamada Amisom oo xiligan si toos ah looga joojiyay dhaqaalihii lagu siinjiray Soomaaliya.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.