Midowga Afrika oo ka hadlay bixitaanka Al-Shabaab Muqdisho

Posted on Aug 11 2011 - 11:47am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

AU

Addis Ababa (Bartama.com) War murtiyeed ka soo baxaymaanta oo khamiis ah  xarunta Midoowga Afrika ee Adis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guul gaartay kaddib howlgalkii magaalada Muqdisho ay si wada jir uga fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM taasi oo soo dadajisay Al- Shabaab ay ka baxdo goobo muhiim oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Waxa kaloo warka qoraalka lagu muujiyay in muddo la diyaarinayay qaabkii al shabaab looga bixin lahaa guud ahaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho taasi oo ay si wada jir ah u diyaariyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midoowga Afrika ee AMISOM.

Warka qoraalka ah ayaa lagu xusay in dhawaan la qaban doono kulan looga hadlayo xaaladda soomaaliya iyol dagaaladdii ugu dambeeyay ee ka dhacay muqdisho iyo xaaladda abaarah..

Midoowga Afrika ayaa ku baaqay caalamka in gargaar lala gaaro dadka ku sugan meellaha ay ku sugan dadka ku dhibaateesan Soomaaliya iyo gobaladda ay maamulaan Al- Shabaab.

Si kastaba, Ergayga gaarka ah ee QM ayaa shaley golaha amaanka QM waxa uu siiyay xaalaadihii ugu dambeeyay iyo dagaaladii ugu dambeeyay oo dowladda ay qabsatay meelo hor leh oo ay horrey u jogeen al-shabaab.

W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Somalia