Midowga Africa oo ballan qaaday lacago la siinaayo Soomaaliya

Posted on Aug 16 2011 - 10:45am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

African%20Union%20(Small)Addis Ababa (www.Bartamaha.com):-Dowladdaha Midowga Africa ayaa ku guul dareestay in ka jawaaban abaaraha ba’an eek u dhuftay geeska Africa.

Midowga Africa ayaa Kulan shaley ay ku yeesheen magaaladda Addis Ababa ee xarunta Etoobiya waxa ay kaga dhawaaqeen in ay bixin doonaan lacag gaareyso 500,000 oo doollar.

Dalka South Africa ayaa noqday dalka hogaaminaya lacagta la bixinaayo waxana uu bixinayaa ilaa 1-million dollar.

In ka badan 12-Milion oo qof oo ku nool geeska Africa ayaa ku dhufatay abaartii ugu ballaaneed mudo 60-sano ka dib waxana ay u baahan gargaar deg deh ah.

Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu daran eek u dul habsatay abaarta geeska Africa.

Dhinaca kale, Hay’adda Oxfam ayaa ugu baaqday dowladda Africa in ay caawiyaan dadka ku dhibaateesan geeska Africa oo ay ku jiraan Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Oxfam ayaa sheegay in wadamadda Africa ay waajib ku tahay in la badbaadiyo dadka abaaraha ay ku heestaan Soomaaliya

3.5-Million oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa waxa ay yihiin kuwa u baahan gargaar deg deg ah.

QM ayaa dhawaan sheegtay shan gobol oo ku yaala Soomaaliya in ay ka dilaaceen xaalado macluul ah, waxana ku jira deegano ku dhow Soomaaliya

 

 

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com