Bartamaha(Gaal-kacyo):-Mid ka mida wasiirada uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Gal-Mudug oo shaaca ka qaaday in xilkaasi aanu xiligan shaqeynaynin isagoo ku dhawaaqay iscasilaad dhamaystiran.
Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka Maamulka Gal-Mudug ayaa saxaafada u sheegay in uu gabi ahaanba xilkaasi isaga tagay isagoo sheegay in xilkaasi uu yahay mid aan lagu shaqeyn Karin maadaama maamulka uu xiligan yahay mid aan shaqeynaynin.
Wasiirka ayaa sheegay in uu  Madaxweyne Axmed Shariif cali Hilowle uu ku qaldanaa magacaabida wasiirada cusub maadaama maamulkiisa uu faraha ka baxay ammaanka deegaanada uu ka koobanyahayna ay la wareegeen Ahlu-sunnah wal-jamaaca .
Koonfurta magaalada Gaal-kacyo ayaa waxa ka taagnaa maalmihii la soo dhaafay siqab-qabsi xagga maamulka ah iyadoo khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay Baarlamanka iyo Maamulkii Gobolkaasi taasi oo sabab ka dhigtay in ay soo fara galiso xaalada Kooxda Ahlu-sunnah wal-jamaaca.
Tan iyo doorashadii madaxweynaha ee sanadkan ayaa waxaa halkaasi ka soo cusboonaaday isqab-qabsi xoogan oo xagga awooda ku salaysan taasi oo keentay in ay iscasilaad joogta ah ku dhaqaaqaan madaxda baarlamanka qaarkood iyo Wasiirada xiligan la dhisay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.