Meydka 3-ruux oo maanta laga helay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Posted on Feb 26 2010 - 1:44pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

shabaab3_thumb

Bartamaha (Mogadishu):-. Meydadka 3 qof ayaa maanta barqadii waxaa la keenay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoona 3-dani ruux la sheegay in Meydkooda laga helay xaafadaha ku teedsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan qeybo kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa u sheegeen in ragani ay soo toogteen Ciidamada AMISOM ee fariisimaha ku leh Wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho iyadoo ilaa iyo hadda aysan kala cadeen cida dilkani ka danbeeysa

Laba ka mid ah dadkaan ayaa la aqoonsaday oo ay qaateen eheladoodii halka midkii kale la geeyay masjidka Abuu Hureyra ee ku yaala suuqa Bakaaraha, walina aan la aqoonsan oo uu yaalo halkaasi..

Ma ahan markii ugu horeesay oo magaaladda Mogadishu laga helo meyd dad la dilay ama xubnaha laga jaray iyadoo Isbuucii la soo dhaafay ayaa Meydka Wiil dhalinyaro ah waxaa laga helay qeybo kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in Wiilkaasi ay toogteen Ciidamada AMISOM ee ku sugan Wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.