Bartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Itoobiya Meles Zanawi ayaa sheegay in xiligan aanay u muuqan Qatar sidaa u buuran oo islaamiyiinta ugu imaanaysa dowladiisa isagoo daboolka ka qaaday in kooxahaasi awood u lahayn afgambi ay dowlada Fd ku sameeyaan.
Meles Zanawi oo saxaafada kula hadlayay Addis-Ababa ayaa waxa uu sheegay in aanay u muuqan Qatar dowlada Fd soomaaliya ka haysata jiritaankeeda balse uu sheegay in lo baahanyahay iska cabin ay samayso dowladaasi.
Zenawi ayaa tilmaamay in aanay dhankooda ku dag-dagi doonin galitaanka dalka soomaliya maadaama aanay jirin weerar ay islaamiyiinta ku hayaan Dowlada Itoobiya isla mar’ahaantana aanay jirin wax isbalarin ah oo dhankooda ku wajahan.
Meles Zanawi “Ma ii muuqato Qatar mudan in la difaaco ama weerar dhankeena ku aadan oo nagu soo wajahan qorshahenuna kuma jiro in xiligan aan Ciidan u dirno dalka soomaaliya waana ka warqabaa dalabka dowladaasi naga soo gaaray xaq ayayna u leedahay dowladaasi in ay caawin ka dalbato wadamada ay soohdimada wadaagaanâ€
Hadalkan ka soo baxay Ra’iisul wasaaraha dowlada Itoobiya Meles Zanawi ayaa u muuqday mid uu ka gaabsanayo Ciidamo si deg-deg ah uu Soomaaliya u geeyo isagoo muujinayay in Caalamka uu ka wardhowrayo.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia