Bartamaha(Muqdisho):-Dadka dagan Degmada Yaaqshiid Muqdisho ayaa cabsi la soo derestay markii saaka illaa duhurnimadii maanta ay garan la’aayeen laba nin oo madaxa Mindi looga jaray.
Mid ka mida labada nin Ee la qalay ayaa Maydkiisa la soo dhigay agagaarka Saldhiga Yaaqshiid iyadoo madaxiisa iyo jirkiisa kale ay kala go’anaayeen taasi oo muujinaysa in tooray madaxa looga jaray.
Ninka kale ayaa isaguna lagu arkay maydkiisa Isgoyska Fagax Degmada Yaaqshiid iyadoo isaguna uu madaxa go’anaa mindidii madaxa looga gooyana ay dusha ka saarnayd sida ay xaqiijiyeen dad arkay maydkaasi.
Dhacdadan ayaa la yaab ku abuurtay dadka dagan Xaafadaha Degmada Yaaqshiid iyadoo laba cisho ka hor Degmada Kaaran la soo dhigay Haweenay madaxa laga jaray taasi oo walaac xoogan galisay dadka deegaanadaasi.
Muqdisho ayaa dhawaanahan waxa alagu arkayay madaxyada dadla la qalay oo madaxa mindida looga jaray taasi oo ah dhaqan ku cusub Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.