(Muqdisho www.Bartamaha.com) Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun isugu jira dil iyo xabsi daa’in ku xukuntay askar ka tirsan Ciidamada XDS oo boob u geeystay hanti dadweyne.
Dhageeysiga dacwaddan oo ka dhacday gudaha suuqa Bakaaraha ayaa xeer ilaalinta qaranku waxa ay dacwad ku soo oogtay Shan askari oo ka tirsanaa ciidamada XDS oo lagu soo eedeeyay in ay dhac u geeysteen hantida Shacabka.
Maxkamadda horteeda ayaa lagu dhaariyay askar ku marqaati fureeysay danbiilayaashaasi, iyadoo ay jireen Garyaqaanno difaayay danbiilayaasha la xukumay oo ka koobnaa Sadex, halka laba kalena dib loo dhigay dacwaddooda markii loo baahday baaritaanno dheeraad ah.
Intaasi kadibna waxaa shir gaar ah yeeshay guddiga Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, iyadoo Natiijada Xukunka uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Col. Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo sheegay in dable Barre Ibraahim Maxamud oo ka tirsan guutada Labaad ee ciidamada XDS ay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay Maxkamadda u caddaatay in uu boob hubeeeysan iyo bililiqo u geeystay hantida dadweynaha.
Sidoo kale Dable C/llaahi Cumar Caddoow ayeey Maxkamddu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay Maxkamadda u caddaatay in uu boob hubeysan iyo bililiqo u geeystay hantida dadweynaha.
Dable Nuur Caddoow Xuseen ayaa Maxkamaddu ku xukuntay xabsi daa’in kadib markii uu bililiqo iyo boob u geeystay hantida dadweynaha.
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa xafiisyo ka furatay Suuqyada Baraakaraha iyo Suuq Bacaad si loo badbaadiyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo Maxkamddu kormeer joogta ah ku heyso ciidamada Qalabka sida ee ku jira jiidda hore ee dagaalka si ay isla goobtaasi ugu maxkamadeyso askarigii lagu arko isagoo dhacaya hantida dadweynaha.
Sawiradda Xukumka Maxkamadda waa kuwan: