Bartamaha (Hargaysa):- Maxkamada Cadaadalada Ee Maamulka Magaalada Hargaysa ayaa xukun ku riday Saxafi reer Hargaysa ah kaasi oo ahaa tafaftire mid ka mida wargaysyada Magaaladaasi ka soo baxa.
Tifaftirihii Wargaysa Waaheen Maxamuud Axmed Jaamac (Xuute) ayaa shalay maxkamad lagu soo taagay Magaalada Hargaysa taasi oo xukun culus ku riday wariyahaasi oo muddo u xernaa maamulka somaliland.
Wariye Maxamuud Axmed Jaamac (Xuute) ayaa lagu xukumay 3-Sano oo xarig ah iyo bixinta 150-$ oo ganaax ah taasi oo maxkamada ay goosatay markii ay dhagaysatay Eedeynta loo jeedinayay Tifaftirahaasi wargayska waaheen.
Maxkamada Cadaalada Hargaysa ayaa waxaa u hadlay qaadiga maxkamada oo shaaca ka qaaday in wariyahan uu qirtay dhammaan falalkii dinbiyada ee loo haystay oo dhammaan salka ku hayay dhaliil guud oo xaga amniga halis galinaya.
Wariyahan waxaa loo haystay qoraalo ku soo baxay wargayska Waaheen waxaana uu muteestay in xabsigaasi la dhigo ka dibna shalay maxkamada ay xukun saddex sano oo xarig ah ay ku riday taasi oo dad badan ay ka naxeen markii ay maqlen xukunka wariyahaasi.
Maamulka Somaliland ayaa caada ka dhigtay cadaadis saarida warbaahinta iyo warfidiyeenada oo dhamaan la faro in ay soo marsiiyaan wararka ay gudbinayaan hay’ado loo xilsaaray caburinta saxaafada xurta ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.