Maxkamada sare ee Maraykanka oo ogolaatay Maxkamadaynta Gen. Cali Samatar.

Posted on Jun 2 2010 - 9:38am by News Desk
Tweet
Pin It

cali samatarBartamaha(Virginia):-Maxkamada sare ee Wadanka  Mareykanka ayaa ogolaatay in dalkaasi lagu maxkamadayn karo Gen.Samatar oo dawcado badan loo haysto.

Dhawaanahan waxaa muran ka taagnaa sharci ahaanshaha Maxkamadaynta Ra’iisul Wasaarihii hore Ee Soomaalia Gen.Maxamed Cali Samatar oo loo haysto dilal iyo jirdil loo geystay dad Soomaali ah.

Gen.Maxamed Cali Samatar ayaa hada ku nool gobolka Virginia ee dalka Mareykanka  waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta Dilal iyo Jirdil ka dhacay Dalka Soomaaliya xiligii uu aha Wasiirkii Difaaca Dowladaii dhacday Ee Soomaaliya.

Gen.Samatar ayaa waxaa Dacwadan ku  soo oogay dad Eheladooda dhibaata adag loo geystay iyo qaar ka mida dad ay Jirdil kula dhaqaaqeen Ciidankii Soomaaliya sanadihii u dhexeeyay 1980-illaa 1990-kii xiligaasi oo uu dalka isaga ka ahaa wasiirkii Difaaca iyo mar uu qabtay jagada Ra’iisul Wasaarihii Dowladii dhexe Ee Dalka Soomaaliya.

Kiiska Samatar ayaa marar badan dib loo dhigay iyadoo la isku haystay qaabka sharci loogu heli karo Maxkamadaynta masuulkaasi maadaama uu ahaa nin madax ka soo noqday dal kale oo Maraykanka ka baxsan taasi oo sharciga maraykanka uu diidayo in la maxkamadeeyo isagoo haysta Magangalyo siyaasadeed.

Maxkamada Maraykanka ayaa waxa ay si cad u fasaxday in la Maxkamadayn karo Gen.Maxamed Cali Samatar markii  laga qaaday gabaadkii dhanka Diblumaasiga oo uu ku ganbanayay waxaana hadda la saari karaa Maxkamad Maraykanka ku taalo maadaama dimbi loo haysto masuulkaasi.

Gao’aanka Maxakamada sare ayaa in badan la sugaayay waxaana ay u sahli kartaa dadkii Dacwoonayay in kiiskooda ay sii wataan oo Maxkamad la saaro Gen.Samatar .

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.