Maxkamada Magaalada Boosaaso oo xukunno ku riday rag Burcad Badeed ah

Posted on Oct 25 2009 - 5:29pm by News Desk
Tweet
Pin It

budhcad-badeed soomaaliyaBartamaha (Boosaaso) Maxkamada Magaalada Boosaaso ayaa xukuno ku riday dhalinyaro lagu Eedeeyay falal Burcad Badeednimo ah.

Manta ayaa Maxkamada waxaa la soo taagay illaa 12-dhalinyaro Burcad Badeednimo lagu soo Eedeeyay kuwaasi oo dhamman Xabsiyo lagu xukumay.

Gudoomiyaha Maxkamada Boosaaso Sheekh Maxamed Cabdi Awaare ayaa shaaca ka qaaday in dhalinyaradaasi lagu helay Burcad Badeednimo islamarkaana uu xukun ku dhacay.

Dhlinyarada oo ka koobnaa 12-rag ah ayaa waxaa 8-ka mida lagu xukumay 8-Sano oo xrig ah halka 3-kale lgu xukumay mid 3-Sano oo xarig ah.

Ma aha Xukunkii ugu horeeyay Ee Maxkamada Magaalada Boosaaso ay ku riddo dhalinyarada soomaalida ay ku soo wareejiyaan Wadamada ay Ciidamada ka joogfaan Soomaaliya kuwaasi oo wixii doon wata u yaqaan Burcad Badeed.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.