Maxkamad ku tala Dalka Canada oo xabsi ku xukuntay wiil Dhalinyara ah oo u dhashay Soomaaliya.

Posted on Oct 3 2009 - 9:42am by News Desk
Tweet
Pin It

maxaabiisBartamaha(Ottawa):-Maxkamad ku taala Dalka Canada ayaa xabsi muddo 7-Sano ah ku xukuntay Muwaadin Soomaaliyeed oo argagixisonimo lagu Eedeeyay.

Cali Maxamed Diiriye waa Wiil Soomaaliyeed oo 24-jir waxaana la sheegay in uu in mudda ah dalka Canada ku xerna xukun la’aan iyadoo la sheegay in lagu Eedeeyay dibi fal argagxisio.

Maxkamada ayaa la sheegay in wiilkaasi uu in mudda ah dalbanayay in la soo taago isagoo muddo ku dhow 5-Sano si aan sharci ahayn uu ugu xernaa Magaalada Ottawa Ee Dalkaasi Kanada.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa la xaqiijiyay in uu ka hor qirtay Maxkamada in uu diyaarinayay weerar uu ku qaado Xarumaha Dowlada ama Maraykanka si uu ugu aar gudo Dgaalada lagu qaaday Afganistaan.

Maxkamada ayaa ku riday Xukunka ka dib hadalkaasi ka soo baxay wiilkaasi dhalinyarada ah oo la sheegay in uu ka caraysnaa muddada Xabsiga uu ku jiray islamarkaana uu doonayay in xukun lagu rido.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.