Bartamaha (Muqdisho):- Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir ayaa dhaar ku maray in uu xurayn doono Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho isagoo leh shaati qabiil.
Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in uu la dagaalami doono Alshabaab iyo Xizbul Islaam isagoo leh shaati qabiil sida uu shaaca ka qaaday masuulkaasi.
Ex-Gudoomiye Maxamed Dheere ayaa waxa uu sheegay in uu dhibaatada ka dul qaadi doono dhammaan dadkii ka cararay xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho islamarkaana uu ka saarayo kooxaha dul dagay shacabka iyo kuwa barakiciyay.
Masuulkan aaya cadeeyay in ay diyaarsan yihiin Ciidanka isaga uu hogaanka u yahay dhammaana ay yihiin kuwa ka soo horjeeda dhibaataynta Shacabka Woqooyiga Muqdisho daganaa oo si toos ah looga barakiciyay xaafadihii ay daganaayeen.
Maxamed Cumar Xabeeb waxa uu xusay in aanu isaga hadda Dowlada ka mid ahayn balse uu yahay shaqsi ay taageersan yihiin shacabka uu ka dhashay oo daganaa Deegaanada Woqooyiga Muqdisho oo noqday dhulka ugu badan ee laga barakacay mudooyinkii u danbeeyay.
Hadalka Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir xiligii Dowladii Col.Yusuf awooda lahayd ayaa hadalkan uu ka soo yeeray markii shabaabka ay shalay sheegteen in ay qabsadeen guriga uu ka daganaa Degmada Shangaani taasi oo uu aad u beeniyay.
Horay waxaa magaalada Muqdisho looga hadal haayay in Maxamed Dheere uu isku aadistay Ciidan uu qorsheeyay in uu ku qabsado dhammaan Woqooyiga Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe oo xiliga looga danbeeyay masuulkaasi hada ah nin ka madax banaan Dowlada shariif.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Waa arrin cajiib ah.
Marka ugu horeysa ma filaayo in Shariifka iyo Baarlamaankuba in aay raali ka noqonayaan in aay dib usoo laabtaan qab-qablayaashii kol hore la bursaday, illeen mid haddii uu billaabo kuwa kalena waa imaandoonaan, sidaasna dowladda shariifka ayaa dariishadda ka baxeysa.
Marka labaad haddii uu aruursado ciidanna ka dhigto tolkiisa, waxaa imaan qolo kasta in aay awood muruq qabiil sheegato, taasna meesha waxaa ka baxaya raadintii iyo heshiiskii la isugu soo dhawaan lahaa oo lagu raadinayay federeshon.
Arrintaasi ma ahan arrin soconeysee, wadaadka hallala taliyo.
Degmeda uu deggenyahay haddii aay soo dorrtaan waxuu noqon guddoomiye degmo.
haddii gobolka oo israacsan aay soo doortaan…waxuu noqon gudoomiye GOBOL.
Hadii aay Soomaali oo idil aay soo doortaan (oo aay ku jirto SOMALILAND), waxuu noqon MADAXWENE.
Sidaas wax halloou sharraxo wadaadkan kooxeysiga qabiilka wali daba taagan.