Bartamaha(Tripoli):-Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xeran Xabsiyada Liibiya ayaa waxa ay bilaabeen in qaarkood ay naftooda haligaan ka dib markii ay waayeen cid u dooda xuriyadooda.
Maxaabiista ayaa waxa ay bilaabeen in ay cunada ka soomaan halka qaar ka mida ay qorsheysteen in ay sun cabaan si nafta ay isku dhaafiyaan sida uu sheegay mid ka mida maxaabiista.
Xabsiyada ku yaala gudaha Magaalooyinka Tripoli iyo Bangazi halkaasi oo ayku xeranyihiin maxaabiista ugu badan Ee Soomaalida ah kuwaasi oo haatan qaarkood ay qarka u saaranyihiin in naftooda ay jaraan.
Ma jiro wax daryeel ah oo ay ku helaan Xabsiyada mana jiro cid soo ogaata Xaaladooda oo Dowlada Soomaaliya ama safaaradooda ah sidaasi waxaa yirin mid ka m ida aqoonyahanada soomaaliyeed Eek u sugan Tripoli.
Dowlada Soomaaliya ayaa horey waxa ay u balan qaaday in ay xabsiyada ka soo saari doonto Maxaabsiita ku xeran wallow aanay jirin wax daryeel ah oo ay ka helaan Maxaabiista Dowlada Liibiya iyo Soomaaliya intaba.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.