Masuul Xalay Qarax ka badnaaday iyo qasaara ka dhashay weerarkaas.

Posted on Jul 11 2010 - 9:36am by News Desk
Tweet
Pin It

woqoyiga mudishoBartamaha  (Muqdisho):- Qarax Bam oo xalay lagu weeraray masuul ka tirsan maamulka Degmada Wadajir Muqdisho ayaa ka badbaaday isku daygaasi.

Xuseen Bootaan Gudoomiye xigeenka Degmada Wadajir ayaa xalay ka badnaaday isku day dill ala damacsanaa xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Ku xigeenka Gudoomiyaha Degmada Wadajir Bootaan ayaa la xaqiijiyay in uu ka badbaaday Bam gacmeed lagu soo tuuray hoygiisa kaasi oo qasaara u geystay ilaalada masuulkaasi.

Qaraxa  ayaa haleelay 5-ka mida ilaalada masuulkaasi oo mid uu dhintay inta kalana dhaawac ahaan loo qaaday sida uu xaqiijiyay masuulkaasi oo saaka la hadlayay warfidiyeenada.

Ciidan xoogan ayaa soo gaaray goobta lagu weeraray Bam gacmeedka kuwaasi oo sameeyay howlgal balaaran oo baaritaan ah si ay u beegsadaan Kooxaha masuulka ka ahaa qaraxaasi ka dhacay Degmada Wadajir.

Xaalada Degmada ayaa dagan waxaana qaraxaasi loo qabtay dhalinyaro deegaanka ahayd kuwaasi oo looga shakiyay masuuliyada qaraxii xalay lagu weeraray gudoomiye ku xigeenka Degmada Wadajir.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya.