Mashaqada Muqdisho: Muran Mutaxan iyo Madfac .BY. Bashiir M. Xersi.

Posted on Sep 7 2010 - 9:14am by News Desk
Tweet
Pin It

9615Bartamaha (Nairobi):- Oodqaad. Muranka Baarlamaanka. Khilaafka Madaxada Dawladda. Maalinta Badar. Duqaynta Dadweynaha. Xilka Culimada. Gunaanad.

Oodqaad:
Maalmahaan waxaa magaalada Muqdisho ka socda dagaaallo aad u qaraar, una dhexeeya maleeshiyadka dawladda iyo kooxaha gafuurka duubta ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam, waxaa wehliya dagaallada duqaymo qaraxyo iyo dilal qorshayn, waxaa ugu xanuun badnaa kii ka dhacay hotel Muna, oo lagu  xasuuqay xildhibaanno iyo dad rayid ah, dagaalladdaa waxaa ka dhashay qasaaro lixaad leh, isugu jira naf iyo maal, qolo walbana sheeganayso guulo iyo inay gaartay goobo hor leh.
Dawladdu waxay shacabka ugu baaqday inay is dajiyaan, iyada oo ku dhawaaqday inay qaadayso dagaal kama dambays ah!, \”Habar Fadhida Lagdan la Fudud!\”, ma ahan markii u horraysey ee hadal caynkan ah ka soo yeero, mana noqon doonto matka ugu dambeysa, inta neefi ku jirto way rafan, maanta waxaan qormada ku qaadaadhiggi doonnaa qodobbo dhawr ah, waxaan ku dadaali doonnaa inaan isku wada xirno, aanna ku wada halosinno jidka hor leh.
Muranka Baarlamaanka:
maraan sidaa u sii dheerayn waxaa la doortay guddoomiye baarlamaan, loona doortay Mudane Sh. Shariif Xasan, doorashada ka horna waxaa jiray ismari waa ka taagnaa xilka qaadista Sh. Aadan Madoobe, is jiijiid dheer ka dib, waxaa lagu guulaystay in la qabto doorsho, oo lagu tilmaamay in lagu shubtay!, muhimaddu taa ma ahan, ee maadaama guddoon cusub la doortay saw ma ahayn in muranku yaraado, bal dhawr waxa ka dhacaya gudaha baarlamaanka, muran aan jiho iyo jid lahayn ayaa wali dabada la hayaa.
ceeb kama xishooyadayaasha xilka iyo dhibka isa saaray \”xildhibaanada\”, waxaa tusaale nooga filan prof: Dalxa, oo dood badan ka qabay in laga qaado ku xigeennimada baarlamaanka uu ka hayo, heeruu  u gudbiyey dacwad maxkamadda sare ee baqaarka ku xiran, markiise loo magacaabay wasiirka wasaaradda dhaqancelinta iyo arimaha bulshada idinku warkiisa ma maqasheen? muranku wuxuu ku dhammaan karaa oo kaliya, in xil loo wada magacaao dhammaan Soomaalida si kale maya!.
Murankii wali ma dhammaan indha dhammaanayana mallahan, sida uu ku dhammaanaya cid garanaysa ma jirto, sababtoo ah waa dad aan ku qanceyn wax aan xil ahayn, si kale uma qancaan wax kalana kuma qancaan!, dadkii wax qabadka laga sugayey haddii ay ka dhammaan la\’yihiin muran marooreed, saw ayaandarro ma ahan, la yaabe waqti u haray ayaanba jirine ma waxay ku aakhirsan qaylo iyo or aan kigmadi ka dambayn!.

Khilaafka Madaxada Dawladda:
Muranka baarlamaanka waxaan ka liidan khilaafka joogtada ah, ee u dhexeeya labada masuul ee ugu sarreeya dawladda, ee kala ah Madaxweynaha Sh. Shariif iyo ra\’isul wasaraha C/rashiid Sharma’arke, khilaafkaan oo soo jiitamayey mudda sanad barki ka badan, ayaan wali lagu guulaysan in xal laga gaaro, taa ka sokow waxaanba wali la garanayn meesha uu salka ku hayo, sababta khilaafka iyo ujeedooyinka ka dambeeya?, tani waxay sii murjisay arinta, maxaa yeelay cudur waxaa la daweeyaa marka la ogaado verus-ka kena ama dhaliya, sidaa darteed xallintu waxay u adkaatay waxaanba wali lahayn sababta!.
khilaafka madaxada dawladda marar badan wuxuu gaaray meel aad u qaraarsarraysa, casilaadda iyo xilka ka qaadiddu ha u ahaato midda ugu qaraare, aadanuhu miduu ka wada siman yahay ayaa jirta, oo ah ismaandhaafka yo kala duwanaanshaha fekradaha, balse nimankaan waxaa u sii dheer ismaanjiir iyo kala goosasho, maxaa yeelay markii la is jiiro waa in la kala goostaa, xumaanta intaa la eg waxa ay ku qotonto yaa noo soo ogaada tolow{Soomaalaay}, xeer iyo axdi celiya ma jiro, kay samaysteenna ku fillaan waa!.
nimankan iyagu iska dhammaan la’, miyaa laga sugayaa inay badbaadshaan umad iyo dal? Jawaabtu waa maya ayaan filayaa, waa tii maahmahdu ahayd: \”Tiisa Dareeyaa tu kale ku Dara\”, xilkii ay soo qaadeen ballantii ay soo galeen iyo dhaartii ay mareen intuba waxay noqdeen hal bacad lagu lisay iyo baraabufoo kale, bal haddii aysan wada shaqayn karin muu labadooda mid iska tanaasulo, yirahdana: \”Aniga ninkaa lama shaqayn karo, mana doonayo in Aniga la ii xayirnaado, ee Soomaalaay xilkii waa idiin dhigay!\”, ama si kale u kala adkaadaan oo nin laga taqalluso!
jiitankan dheeraaday waxaad dhibkiisa ka arki kartaan xoogagga ka soo horjeeda iyaga, waxay ku maransan yihiin laba qol oo burbursan hoobiyana u dheeryahay sidii ay u maamuli lahaayeen, waxayse iska indha saabeen dalkii oo dhan, taasoo keentay in barqad la soo weeraro hoyga ay deggan yihiin xertooda, isballaarinta kale iyadu tilmaamba uma baahna, marka waxa ay sugayaani ma in meesha ay ugu yimaadaanbaa? Mise inay Ciidan Shisheeye dabada kula jiraan? La yaab runtii….
Maalinta Badar:
Maalinta Badar waa maalin uu dagaal dhexmaray xoogag uu watay Nabi Moxamed iyo Quraysh, dagaalku wuxuu dhacay 17-ka bisha Ramadan, haddaba dagaalka lagu beegayo maalintaa muxuu ujeedkiisu yahay? Isagoo loogu  magac darayo: \”Maalinta Badar\”, ilama ahan maalin xus gaar ah leh, marka laga reebo guusha qolo gaartay iyo jabka qolada kale haleelay, aan sii jicliyee ma mudna in maalintaa dagaallo lagu beego, ama xuskeeda lagu asqeeya dadka dagaallo iyo duqaymo.
Xuska maalin dagaaleed \”Maalinta Badar\”, miyey mudan tahay in lagu xuso laynta umadda Soomaaliyeed? Micnaha miyaa loo unkay xuskeeda in lagu waxyeelleeyo Soomaali? Jawaabtu hadday haa tahay, waxay ila tahay inay tahay maalin aysan Soomaali jeclaysan doonin ama aysan soo dhawayn doonin, haddiise jawaabtu maya tahay, waxa wali u baahan jawaaab maxaa loola beeganayaa Soomaali dhibkan qarada weyn? Waliba xilli ay ku jiraan cibaadada bisha Ramadaan?, mise ajarku wuxuu badanayaa marka aad dhibto dadka Soonka!.
waxaa hubaal ah in ajar laga doono dhibka dadka uusan raad iyo sal midna ku lahayn Diin, ee wadaad xumayaashu may iska caddasytaan ujeedkooda gurracan, midda ah in ajarku laba laabmayo marka aad Jihaad gasho maalin soomeed, sida loo dhigay ma ahan, teeda kale maanta jihaadka yaad la galaysaa? Ma Shariifka shalay aad jaalka ahaydeeen mise xertii Asmara iyo haraadigii Maxkadaha? adduunyadu wareer kama dhamma, waxaa haboon inaan umadda loo halaagin wax aan sugnayn, iyo ujeeddo gurracan!.

Duqaynta Dadweynaha:
Waxaad ka wada dharagsan tihiin in labada koox ee dawladda iyo gafuur duubta ee isku haysa magaalada, qolo walbaa ay madfaca u kiishao shacabka, gafuurduubto waxay madfac ku garaacaan xaruta ay go\’doonka ku yihiin ee villa Somalia, madfacaa lagu garaacay waxaa iska yar qasaarihiisa iyo inta uu waxyeello gaysto, jawabtu waxay noqon Suuqa Bakaraha iyo xafadaha u dhawdhaw in hoobyaal lagu asqeeyo, waaba su\’aale Suuqu muxuu galabsaday oo dambi ah? Isagu madfac ma ridin lagama ridin dhexdiisa, haddaba maxaa jawaabta Madfaca isaga looga billaabayaa?!.
kooxaha jihaadka suuqa madaw ee maalamaha habaaran umadda ka daba wada, waxay caadaysten inay tuuryeeyaan ciidanka Amisom iyo xarumaha ay deggan yihiin, iyaga oon u banbixin karin si ay isaga dhiciyaan, had iyo jeer waxay wax ka tuuraan caruurta iyo haweenka dhexdooda, ciidanka Amisom-na wuxuu ugu jawaabaa inuu duqeeya xarumaha ganacsiga iyo xaafadaha shacabka, halkaa waxay waxyeellada ugu weyn ka soo gaartaa shacabka, isagu markii horaba la daalaa dhacayey dhibka iyo dacdarrada.
labadaa awalba laga sugi mayn naxariis iyo damqasho, waxaase ayaan darradu ka dhacday markii Geel ay dileen magtiisa baxsheen, taasoo ka dhigan in dadku ka qiima liitaan xoolaha, dhanka kale madaxda dawladda ayaa afhayeenno u noqdeen ciidanka Amisom, iyaga oo muujiya inaysan ciidankaasi wax dhib ah gaysan, xasuuqa iyo baabi\’inta hantida umadda wax ka soo qaad mallahan, had iyo jeer waxaad maqlaysaa masuul difaacaya waxyeellada ciidanka Amisom, ha ka ahaato way ina ilaalshaan, balse shacabka yaa ka ilaalinaya madfacooda!.

Xilka Culimada saaran:
inta aysan soo shaacbixin dadqalata dimeedkan, waxaa dalka ka jiray culimo dadka haga, sumcad iyo magacna ku dhex lahaa bulshada, haddase waxaa la kala garan waayey wadaadadii saxda ahaa iyo wadaad xuayaasha, ama waxaa wax laga cararo noqotay in lagugu tilmaamo wadaad ama Sheekh, taasoo ka dhalatay falalka gurracan ee lagu samaynayo magaca wadaad iyo Sheekh, haddana waxaad mooddaa in culimadu ka gaabsheen xilkii ka saarnaa samata bixinta iyo badbaadinta umadda.
Sidaan waxaan u leeyahay sidii ay u billawdeen dagaallo diimeedka iyo jadbada jihaadka waxaa aad u yaraa wadaad meel fagaaro ah ka yiraa: \”Waxa socda Jihaad ma ahan ee yaan umadda lagu halaagin!\”, taa badalkeed shibta ayey ku dadaaleen, intooda badan waxay safka hore ka galeenba waxyeellaynta umadda, sidaa darteed ayaa umaddii ka aamin baxday ama u aragtay halaag wadayaal, halka ay markii hore ka ahaan jireen badbaadiyaal, xumaan aan la soo koobinna ka dhacday wadanka , iyaga oo daawanaya, laga yaabee inaysan wada lahayn geesinnimo ay ku hadlaan, ama aysan haysan gabbaad qabiileed sida Odayaasha dhaqanka Hawiye, haddana naftu marbay baxdaa!.
waxaa aad ii soo jiitay hadal uu maalin dhexdaa ah yiri, Sh. Nuur Baaruud oo nuxurkiisa ahaa, Soomaalaay kaca oo hurdada ka toosa, waa hadal loo baahnaa in la maqlo dhawaqiisa, ka soo daahay xilligiisa, haddana la\’aantiisa dhaama, waxaa garab socday fatwo ay soo wada sooreen Sh. Cumar Faaruuq iyo Sh. Shariif Cabdi Nuur oo iyana isla ujeedaa wadatay, maxaa yeelay maahaahu waa tii ahayd: \”Qaniinyo Qaniinyaa kaa fujisa!\”, hadda nimanka gafuurka duubta wax sheekadooda bannaanka dhigi kara waxaa ka jira wadaadada, maxaa yeelay siyaasi isagu waa calmaani, qoraagu gaalada ayuu u jaasuusaa, murtiiluhu(suugaanyahan) waa afhayeen shaydaan.
Sidaa darteed qofka kaliya ee saamaynta ugu xooggan bixin karaa waa culimada, waxaana waajib ah inay cod midaysan ku wajahaan mashaqadan sii fidaysa, xilligan waa xilligii ay wax walba bannaanaayeen si loo caynsho shacabkan dabargo\’ a ku socda, waa inay qiil walba u adeegsadaan sidii looga hortagi lahaa horor diimedka, waa in la curiyaa arigti diimeed qarannimo Soomaali cuskan, maxaa yeelay isku dhafka labadaa ayaa xalku jiraa, culimaduna waa inay ogaadeen inuu saaran yahay xil qarameed diimeed dhaqameed iyo garasho intaba!.

Gunaanad:


Mashaqada Muqdish looma kala harin, si guud ayaa looga wada qaybqaatay, qaybaha bulshada oo dhan si dad iyo si toos ayey uga wada midaysan yihiin, ma jiro xubin bulshada ka mid ah oo aan jallaafadiisa dhigan, intaa waxaa sii dheer faragalinta shisheeyaha iyo ciidadamada dibadda laga keenayo, haddana waxaa hubaal ah inay jiraan ashkhaas xalka fure u noqon kara, balse yaaba warkooda ku jira, ama maqlaya hadalkooda iyo waanadooda.
Muran iyo mutaxan aragnay dhibkoodee, miyeysan habboonayn in la eego dhanka ismaqalka iyo tanaasulka, mashaqada waxa heerkaan soo gaarsiiyey waa labada dambe oo la waayey gabi ahaanba, haddiise ay ka mid ahaan lahayn dhaqankeenna labadaas, waxaa hubaal ah in wax badan noo hagaagi lahaayen, maxaa yeelay waa furaha nolosha iyo xalka maqashadan ragaatay!, haddaba aan xoogga saarno inaan isbarno labadaa tilmaam, aanna dadka kale ku beerno gaar ahaan dhallaanka iyo ubadka.
Ugu dambayn waxaa la gudboon golaha \”Tire badne tayo yare\” inay kala dareeraan, haddii kale ay yareeyaan muranka joogtada ah, madaxda dawladda waxaa ku habboon inay iyana koobaan khilafaadka, haddii kale ay umadda ka horwareegaan, madaama waqtigu socda maqashaduna sii lixaadsanayso, culimada waxaa looga fadhiyaa kaalin muuqata iyo feker qarameed diinta ku qotoma, guud ahaan qof walba oo Soomaali ah oo saamayn yeelan kara inuu isna kaalintiisa qaato.

Qalinkii:- Bashiir M. Xersi
[email protected]