Dakada weyn ee magaalada kismaayo ayaa dib u howlbilowday kadib mudo dhan 6 bilood oo ay xirneyd sababo la xiriira Xilliga xagaaga ah ee halkaan looga yaqaan (bilaha Kuusiga) kuwaa oo aysan soo xiran doomaha ganacsi ee ka kala iman jiray qaar kamid ah wadamada Caalamka.Â
Maareeyaha Dakada Caalamiga ah ee Kismaayo Sheekh Cabdi Mahdi ayaa sheegay in ay furantahay Dakada weyn ee magaalada kismaay islamarkaaasina ugu baaqay ganacsatada in ay wax kala soo dagi karaan Dakada madama ay hada furantahay.Â
Marsada Caalamiga ah ee Kismaayo ayaa imika waxa ku xiran ilaa 6 doomood kuwaa oo sida shixnado ganacsi oo kala duwan sida:- Burka, Bariiska, Sokorta, Saliida, Shidaalka iyo qalabka dhismaha, iyadoo la arkayo gaadiid aad u tiro badan oo xamuul ah oo sida badeecooyin kala duwan kuwaa oo laga dajiyay doomaha ku xiran dakada Magaalada Kismaayo.
Inta badan badeecooyinka kazoo daga dakada Magaalaad kismaayo ayaa waxa loo iibgeeyaa qaar kamid ah gobollada dalka iyo weliba qaar kamid ah wadamada Dariska Sida Dalka Kenya, waxaana badalka badeecooyinka kasoo daga Dakada kismaayo laga dhoofiyaa Dhuxusha taa oo laga kala keenayo qeybo badan oo ka tirsan Gobolkani J/hoose.Â
Furnaanshaha Dakada Weyn ee Kismaayo ayaa waxa siweyn u soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan gobolkani J/hoose oo ayagu ka cabanayay dhibaatooyin la xiriira sare u kac ku yimid qaar kamid ah cuntooyinka qutul duruuriga ah ee ay ka iibsan jireen suuqyada Magaalada Kismaayo, waxaana ay fursado shaqo u soo baxday dhalinyarada ku dhaqan magaalada kismaayo ee ka xamaasha Dakada weyn ee Magaalada Kismaayo.
 Â
Warar Xaqiiq ah Kala Soco Bartmaha.com