Markab weyn oo ku soo xirtay Dakadda Caalamiga ah ee Kismayo.

Posted on Jun 25 2009 - 5:40pm by News Desk
Tweet
Pin It

Markabkaan ayaa Shalay Galinkii danbe ku soo xirtay Dakadda Caalamiga ah ee Kismaayo Xilli ku dhowaad Isbuuc aanu Dakadda ku soo xiran wax markab ah ama Doon ah oo Dakadduba ahayd Mid Faaruq ah.

 Markabkan ayaa waxa uu siday Badeecooyin kala duwan oo ay kamidyihiin Shamiito aad u tiro badan, Dhamaan shixnadahaasi uu Markabku sidayna waxa ay ku socotay Ganacsatada Gobolka J/hoose oo iyagu aalaaba Isticmaala Dakadda Caalamiga ee Kismaayo.

Waxaana sidoo kale Markabkaan lagu wadaa in uu kismaayo ka qaado Dhuxul iyana loogu talo galay in laga dhoofiyo Dakadda Caalamiga ah ee Kismaayo, iskastoo aanan la cayimin tirada Dhuxushaasi ayaa misna shaqaalaha Dakadda waxa ay muujinayaan rajo aad u ballaaran in ay ka xamaashaan Maalmaha soo socda Dajinta iyo waxsaaridda Markabkaasi

Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Kismayo Sh.xasan Yacquub Cali o Saxaafada u xaqiijiyaya imaanshaha Markabkaasi ayaa waxaa uu ka hadlay Ahmiyada Dakadda ay u leedahay Ganacsatada G/j/hoose waxa uuna xusay in ay tahay mid mihim u ah Gancsatada Gobalka si ay Ganacsigooda ugala soo dagaan

Waxaana sidoo kale uu Carabka ku dhuftay in Xirnaanshaha  Dakadda ku iman kara aysan ahayn hadalki ka soo yeeray dhawaan Xukuumada ee lagu xayiray Dakadaha Kismaayo iyo Markacadeey isla markaana ay Dakaddu ahayd mid horay u shaqeyn jirtay hadana ay u shaqayn doonto waa sida uu hadalka u dhigaye

Si kastaba ha ahaate waxay ku soo beegmeysaa Imaanshaha Markabkan xilli la galay bilihii Bad Xiranka oo haatanna Dakadda ay isticmaali doonaan Maraakiibta oo qura tan iyo inta laga baxayo Bilaha Bad xiranka ee Halkan looga Yaqaano Bilaha (kuuziga)

 

Wararka Xaqiiqda ah Kala Soco www.Bartamaha.com

Bartamaha

Kismayo-Somalia

 

 

 

Â