Markab laga leeyahay Dalka Jarmalka ayaa la xaqiijiyey in ay sii daayeen kooxo Burcad Badeed ah oo muddooyinka qafaalasho ku heysteen.
Kooxahan Burcad Badeeda Soomaalida ayaa lagu soo waramayaa in ay qaateen lacago aad u fara badan oo madax furasho ah, taasoo suuragal ka dhigtay In ay sii daayaan markabkan iyo shaqaalihii saarnaa.
Sarkaal ka tisan bad mareenada Dalka Jarmalka ayaa sheegay in wada hadal muddooyinka u socday shirkada markabkaasi laga leyahay iyo kooxaha burcad Badeeda Soomaalida ugu danbeyn lagu guulaystay in ay dib u helaan markabkaasi.
Sarkaalkan ayaa sheegay in kooxahan Burcad badeeda Soomaalida qaateen adduun lacageed oo aad u fara badan, loona mariyey diyaarad yar oo ku dul duurtay Markabka ay qafaalashada ku heysteen kooxahaasi.
Shalay ayay ahayd markii kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida sii daayeen Markab laga lahaa Dalka Malaysiya oo ay muddo badan gacanta ku hayeen, in kastoo aan la shaacin lacagaha ay ka qaateen kooxahaasi sii deynta Markabkaasi.
Xafiiska bartamaha wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.com
Muqdisho somalia