Mareykan lagu xiray Gobolka Virginia oo ku eedaysan soo dhoofinta dad soomaaliya

Posted on Feb 24 2010 - 11:25am by News Desk
Tweet
Pin It

arrestedBartamaha (Virginia):- Ciidamada Ammaanka Gobolka Virginia Ee Dalka Mareykanka ayaa qabtay nin u dhashay Gobolkasi oo si sharci dara ah soomalai badan ku galiyay dalka Mareykanka.

Ninka la qabtay ayaa waxaa lagu magacaanaa Anthony Joseph Tracy kaasi oo ah 35-jir u dhashay Dalka Maraykanka kana soo jeeda Gobolkaasi Verginia.

Ninkan la xeray waxaa loo haystaa dad soomalai ah oo uu sharci daro ku soo galiyay dalka maraykanka isagoo qirtay in uu soo galiyay dalkaasi Maraykanka in ka badan 272-qof oo Somali ah .

Mr. Anthony  ayaa hadda waxa uu yahay maxbuus ay haystaan laamaha socdaalka dalkaasi Maraykanka oo u gudbiyay Ciidamada Ammaanka dalkaasi Maraykanka.

Anthony Joseph Tracy ayaa la sheegay in uu ku sugnaa Dalka Kenya muddo dhowr bilod ah isagoo ku howlanaa in uu dad badan ku soo galiyo maraykanka si sharci dara ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.