Bartamaha (Washington):- Dowlada Maraykanka ayaa mamnuucday Xamuulkii uga imaan jiray Dalka Soomaaliya .
War qoraal ah oo ka soo baxay Dowlada Maraykanka ayaa lagu mamnuucay Xamuulkii laga keeni jiray dalka Soomaaliya ka gadaal markii shakki xoogan laga qaaday Xamuul la soo saaray diyaarad Maraykanka gaartay.
Dowlada Maraykanka oo horay go’aan uga qaadatay Xamuulka la soo saaro diyuuradaha ee laga qaado wadanka Yamen ayaa waxa ay haatan raacisay dalka Soomaaliya oo la mamnuucay Xamuulkii laga soo qaadi jiray.
Sababta ugu weyn ee keentay in Dowlada Maraykanka ee u mamnuucayso Xamuulka laga keeno dalka Soomaaliya ayaa ah in dhawaan digniino culus la soo saaray markii laga helay Xamuul Yamen laga qaaday Bambooyin lagu qariyay.
Shakiga ugu weyn ayaa laga qadaa Xamuulka Soomaaliya laga soo qaadayo in ay walxaha qarxa soo dhex galiyaan Kooxda Alshabaab oo horey Maraykanka uu ugu aqoonsaday Argagixso Caalami ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.