Marakab Sida shixnado ganacsi oo soo gaaray Dakadda Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo.

Posted on Sep 6 2009 - 5:00pm by News Desk
Tweet
Pin It

kistaTan iyo intii laguda galay 3bilood ee bad xiranka islamarkaana  ay dadka reer kismaayo u yaqaanaan xiliga kuusiga ayaa markii igu horeysay waxaa marsada caalamiga ah ee magaalada kismaayom soo gaaray markab weyn oo sida ilaa iyo 60 kun oo tan oo isugu jira sonkor.bur bagaash.iyo gaadiidka ganacsiga oo ay leeyihiin qaar kamid ah ganacsatada soomaaliyeed ee ku nool gudaha wadanka soomaaliya

Haseyeeshee markabkaan oo galinkii dembe ee shala galab soo gaaray Dakada Magaalada Kismaayo kana yimid Magaalada dubai ee isku taga wadanka imaaradka carabta ayaa si nabad galyaleh ku soo gaaray magaalada kismaayo xili dhawaan urur goboleedka IGAD Qaramada midoobay iyo dowlada kmgk.ee soomaaiya ay isla saxiixeen in gabi Ahaanba cunaqabatayn lasaaro dakadaha iyo iaraboorada kuyaala gobolada ay gacanta ku hayaan xoogaga islaamiyiinta walow ay bayaanadaasi umuuqanayaan kuwo Aan waxba ka dhaqan galin maadaama ay wali shaqeynayaan ilaha dhaqaale ay ka Arimiyaan kooxahasi islaamiyiinta

waana markii ugu horeysay ee markab wado shixnado ganacsi uu soo gaaro Dakadda caalamiga ah ee maaalada kismaayo tan iyo intii laguda galay 3bilood ee kuusiga ayadoona imaanshaha markabkani uu ku soo beegmaayo xilli sicir barar Aad u baahsan laga dareemayo gudaha magaalada kismaayo waxaana durbadiiba saaka si dar darleh ku bilowday holwlaha sahqo ee marsada caalamiga ee magaalada kismaayo ee xarunta G/J/Hoose

Isha wararka Xaqiiqda ah kala soco www.bartamaha.com

Ismaaciil Cali

Kismayo-Somalia