Maleeshiyaadka Shabaab oo Bililiqo ka geystay Baladweyne.

Posted on Jul 19 2010 - 4:14pm by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA MILITIA

Bartamaha (Baladweyne):- Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa maanta dhac iyo Boob u geystay goobo ganacsi oo ku yaala Magaalada Baladweyne Ee Gobolkaasi Hiiraan.

Ciidan ka mida Kooxda Alshabaab ayaa waxa ay maanta awood ku galeen dhismaha Shirkada Isgaarsiinta Telcom Somalia halkaasi oo ay u geysteen dhac balaaran qeybaha kala duwan ee shirkada.

Maleeshiyada gashay  Xarunta shirkada ayaa waxa ay ahaayeen Kuwa wejiga soo duubtay wallow ay wateen dareeska ay caanka ku yihiin Ciidanka Xisbada ama Booliiska Alshabaab.

Shirkadaasi ayaa waxaa la xaqiijiyay in laga dhacay Lacago badan iyo Kaararka lacagta ee la isticmaalo taasi oo qasab ka dhigtay in shirkada albaabyada loo laabo ka dib dhaca maleeshiyada shabaabka.

Sidoo kale Maleeshiyadan waxa ay awood ku galeen dhismaha Maxktabad duruusta diiniga ah laga helo oo ku taalay Baladweyne halkaasi oo ay ka qaareen lacago iyo Cajalado kala duwan.

Qorshaha Bililiqada shabaabka ay maanta samaynayeen ayaa waxa ay ahayd mid diyaarsan oo ay si gaar ah ugu beegsanayeen labadaasi xarumood oo la sheegay in saraakiil ay amreen in la xalaaleeyo Hantidooda.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.