Bartamaha (Marka):- Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hosoe ayaa waxaa weli ku sugan gaadiid dagaal oo ah kuwii ugu faraha badnaa taasi oo muujinayso in ay jiraan saraakiil ku sugan weli Magaalada.
Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hosoe ayaa waxaa weli l;aga dareemayaa Cabsi xoog badan iyadoo magaalada ay iska daba meeraysanayaan gaadiid dagaal iyo Maleeshiyaad fara badan oo shabaab ah.
Magaalada gudaheeda ayaa waxaa gaaf wareegaya Ciidan cagta maalaya iyo gaadiid dagaal kuwaasi oo dhammaan la aaminsan yahay in ay la socanayaan dhaqdhaqaaqa dadka magaalada markii shalay la duqeeyay guri ay ku jireen ragga ugu sareeya shabaabka.
Qof dagan bartamaha magaalada Marka oo www.Bartamaha.Com uga sheekaynayay sida ay xaalada tahay ayaa inoo xaqiijiyay in Burbur balaaran uu gaaray gurugii shalay diyuurada Helcopterka ahayd ay ku dhifatay laba Madfac iyo rasaas culus oo ay ku furtay.
Goobjoogahan ayaa xusay in dhammana dadkii daganaa hareeraha guriga laga dalbaday in ay shalay galab guud ahaan iska baneeyaan oo ay ka fogaadaan deegaanka iyadoo illaa haatan Ciidan ay buuxaan aagagaasi.
Magaalada Marka ayaa Xalay waxa ay ahayd Magaalo Bandow saaranyahay oo aanay jirin cid dhaqdhaqaaq loo ogolaa ka dib salaadii Cishaha oo guud ahaan la xeran ganacsiga magaaladaasi oo Ciidan lagu soo daadiyay gudaha xaafadaha.
Illaa Saaka aroor hore guud ahaan Jawiga waxa uu ahaa mid qasab waxaana xilli walba laga baqanayay in Cidianka Magaalada buuxiyay ay dhaqdhaqaaq baaritaan ah sameeyaan wallow taasi aanay dhicin sida dadka magaalada ay ku waramayaan.
Waxaa la aminsan yahay in Saraakiil Culus ay ku dhinteen shalay Madaafiicda Diyaarada waxaana dad badan ay xaqiijiyeen in gudaha Marka ay joogeen saacadihii u danbeeyay Axmed Cabdi Godane,Fu’aad Maxamed Shangole iyo rag kale oo Caan ah oo Heshiis laga dhex waday markii ay is khilaafeen.
Weli wax war ah alshabaab kama soo bixin oo la xiriira Madaafiicdii shalay diyuurada ay ku tuurtay dhismo ay ku shirayeen Alshabaabka waxaana la xaasuustaa sanadii la soo dhaafay in meel ku dhow Magaaladaasi lagu dilay Nin Ajnabi ahaa oo lagu magacaabi jiray Saalax Cali Nabhaan kaasi oo ay dileen diyuurado Maraykanka laga lahaa.
Xafiisak www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika