Magaalada Kismaayo oo saaka dagan iyo dadkii dagaalada ka carary oo soo laabtay.

Posted on Oct 2 2009 - 8:22am by News Desk
Tweet
Pin It

BartamahaaBartamaha(Kismaayo):-Xalad daganaansha ah oo saaka laga dareemayo Magaalada Kismaayo ka dib dagaal shalay ka dhacay Magaaladaasi.

Dadka ku haray Magaalada Kismaayo ayaa saaka ku soo sama toosay xaalad daganaansha ah ka dib markii shalay madaafiic hurdada looga toosiyay.

Xaalada ayaa ah mid xasiloon iyadoo Ciidamada Kooxda Alshabaab ay howlgalo ammaanka lagu sugayo ay ka wadaan gudaha Magaaladaasi Kismaayo.

Dadkii shalay ka cararay rasaasta Kooxaha Islaamiyiinta ay isdhaafsanayeen ayaa saaka bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan goobihii ay ka Barakaceen shalay.

Xoogagii Xizbul Islaam ee ka amarqaadanayay Sheekh Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa in ay ku suganyihiin Deegaanka Buulo Gaduud iyo Beer xaani halkaasi oo la sheegay in ay ku aasanayaan maydadka saraakiil iyo Ciidamo shalay dagaalada looga dilay.

Warar lagu kalsoonyahaya ayaa sheegaya in dagaalka shalay ay ku dhinteen Saraakiil Alshabaab iyo Xizbul Islaam ka tirsan kuwaasi oo qaarkood maydadkooda wadooyinka looga cararay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.