Bartamaha (Amsterdam) Tani waxay ka mid tahay dadaalka loogu jiro inuusan marna burburin dhaqankii dadka soomaalida ka hor intii aysan u qaxin Dibadaha, waana mid ka mid ah dadaalada ay bixinayaan abwaanada soomaalida iyo shaqsiyaad go’aansaday in ay tilmaaman dhaqankii wanaagsanaa ee bulshada soomaaliyed.
Ujeedada filimyadan loo sameeyay ayaa waxay tahay in meel adag laga istaago adkeynta dhaqanka soomaalida iyo diinta islaamka.
C/salaan Axmed Caato,waxaa waaye sameeyaha filimka, waana nin wariye ah isla markaana abwaan ah, laakiin si ka duwan sidii loo sameyn jiray Rawaayadaha soomaalida ayaa loo sameeyay Labada filim.
Ragga iyo haweenka labada Filin ka qeyb qaatay waxay isugu jiraan soomaali iyo Ajanabi.
Filimka koowaad, Magaciisa waxaa la yiraahda Gabar ha loo doono, Filimka Labaadna waxaa lagu magacabo AMBAD, labada filim si aad ah ayaa looga helay.
Aniga waxaan ka mid ahaa dadkii daawanayay labadan filim, run ahaantii waan ka helay sida loo sameeyay iyo waxyaabaha ay ka hadlayeen.
Mid ka mid ah dadkii daawanayay filimka GABAR HA LOO DOONO, ayaa ii sheegay inuusan marna maskaxdiisa ka go’i doonin filimkan sababtana waxaa uu ku sheegay si ay u horumareen sameynta filimada soomaaliga.
Labadan filim ayaa daawashadooda maanta ka bilaabatay dalka Holland iyadoo ilaa iyo maalinta Axada ay socon doonaan daawashada filimkan.
Toddobaadka soo socda ayaa labadan filim waxay gaari doonaan dalka Sweden iyadoo fursadan ay ka faa’ideysan doonaan soomaali badan oo dalkaas ku nool.
Halkan ka daawo meesha lagu dhigayo Den Haag maalinta Axadda.