Madaxweyne Shariif oo Wada hadal ugu baaqay Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Posted on Mar 4 2010 - 1:46pm by News Desk
Tweet
Pin It

shariifBartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa ku baaqay wada hadal lagu xaliyo dagaalada ka sii socanaya Dalka Soomaaliya isagoo baaq u diray Burcad Badeeda.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Madaxtooyada ayaa waxa uu kaga hadlay arimo badan oo ku aadan xaalada dalka soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shirkiisa jaraa’id diirada ku saaray in Xaalada soomaaliya ay ka sii darayso isagoo ku baaqay in wax walba lagu dhameeyo wada hadal.
Madaxweynaha ayaa la dalbaday AL shabaab iyo Ururka Xisbul islaam inay la heshiiyaan dowladda KMG isago ka dalbaday in ay joojiyaan dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG ee Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxaa uu shaaca ka qaaday in markii dowladiisa la dhisay ka dib ay bilaabeen dhammaan xubnaha dowladiisa in ay ku baaqaan wadahadal ay la galaan dhinacyada mucaaradka ah balse la diidanaa intaasi haatana ay Dowlada weli u diyaarsantahay wada hadal.
Madaxweynaha dowladda KMG ayaa ugu baaqay alshabaab iyo Xizbul Islaam in ay nabada qaataan oo ay Dowlada la hadlaan si Dalka ammaankiisa wax looga badalo dhibaatadana looga dulqaado dhibanayaasha soomaaliyeed.
Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa waxa uu ka hadlay arimaha Burcad Badeeda iyo Xayiraada Dowlada Britain ay saartay Alshabaab isagoo sheegay in ay ka xunyihiin dhibaatada haysata Lamaanaha Britishka ah waxa uuna ku baaqay in la sii daayo dhibanayaashaasi waxa uuna si wanaagsan u soo dhaweeyay xayiraada Alshabaab la saaray.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.