Bartamaha (Muqdisho):- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dagay Magaalada New York Ee Dalka Maraykanka.
Wafdiga Madaxweynaha Dowlada KMG ah oo ay ka mid yihiin Xukumadii meesha ka baxday markii Ra’iisul; Wasaaraheeda Is casilay ayaa waxa ay dhammaan ka wada qeybgalayaan kulan ka dhacaya New York.
Madaxweynaha oo socdaalkiisa Newyork uga sii horeeyay Ra’iisul Wasaara Xigeenkii ahaana Wasiirkii Kaluumaysiga Prof.C.raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa waxa ay ka wada hadlayaan hadaladii uu madaxweynaha ka jeedin laha aKulan Qaramada Midoobe abaabushay oo ka dhacaya Magaaladaasi.
Kulan ay soo agaasintay Qaramada Midoobe ayaa diirada lagu saarayaa xaalada adag ee Dalka Soomaaliya iyo dhibaatada soo wajahday Dowlada KMG ah oo hadda la dhutinaysa dagaalada ay ku hayaan Islaamiyiinta.
Kulanka ayaa la filayaa in dhawaan uu furmo waxaana Dowlada uga qeybgalaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno kooban oo la socanaya iyadoo la filanayo in Madaxweynaha uu jeediyo Khudbad ka hadlaysa arimaha dagaalada iyo dhibaatada dowlada haysa.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika