Madaxweyne Shariif oo Nairobi gaaray iyo Kulamo uu Masuuliyiin la qaadanayo.

Posted on Jan 13 2010 - 7:31am by News Desk
Tweet
Pin It

SomaliaBartamaha(Nairobi):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa garay Magaalada Nairobi halkaasi oo ay Kulamo kula qaadanayaan madax kala duwan.

Madaxweyne Shariif oo ay Wasiiro dhowr ah la socdaan ayaa waxa ay Magaaladaasi u tageen kulamo ay la qaadanayaan Madax sare iyo Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya Ee Nairobi sal dhigtay.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa ay balan sanyihiin Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Talyaaniga oo dhawaan soo gaarya Magaalada Nairobi si ay kulan u yeeshaan madaxweynaha iyo wasiirkaasi.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa inbta uu Nairobi jooga waxaa la filayaa in uu kulan la yeesho Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo maanta la sheegayo in la wado abaabulka Kulan qado sharaf ah oo madaxweynaha uu ka qeybgalo.

Dhanka kele Madaxweyne Shariif ayaa waxaa la sheegayaa in uu booqan doono dhaawacyada Ardaydii qaraxa Shaamow ku dhaawacantay oo qaarkood loo soo celiyay Isbitaal Nairobi ku yaala.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.