Madaxweyne Shariif oo Muqdisho ku soo laabtay iyo Madaafiic looga horgeeyay Garoonka Diyaaradaha.

Posted on Aug 8 2009 - 3:10pm by News Desk
Tweet
Pin It

shariiifBartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho iyadoo Islaamiyiinta ay ku soo dhaweeyeen Madaafiic ku hoobatay garoonka.

Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaaliya ayaa ka soo dagay garoonka Muqdisho iyadoo ay la socdeen masuuliyiin Dowladiisa ka mida iyadoo galabta laba soo dhaweyn oo kala duwan uu ka kala helay dowladiisa iyo Islaamiyiinta Mucaaradka ah.

Madaxweynaha Iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka uga hortagay Madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada iyo Kooxda Baandada Muusiag Banbeyda kuwaasi oo si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka xilliga ay soo caga dhigatay diyaaradiisa.

Dhanka Kooxaha Mucaarada ayaa waxa ay ku soo dhaweeyeen madaafiicda Hoobiyayaasha kuwaasi oo ku hoobtray Garoonka Muqdisho iyo hareerihiisa xilli madaxweynaha ay diyaardii keentay isku diyaarinaysay in ay duusho islamarkaana isagu uu qaadanayay salaam Sharaf.

Waxaa gabi ahaanba xernayd wadada u dhexeysa Garoonka illaa Xarunta Madaxtooyada halkaasi oo ciidamo fara badan ay isku gadaameen kuwaasi oo ammaanka wadada madaxweynaha uu marayay si xoogan u adkeeyay.

Weerarkan Madaafiicda galabta ah ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalintii uu magaalada Muqdisho ka tagayay madaxweynaha Xoogaga Mucaaradka ay wadada u galeen kolanyadii galbinaysay kuwaasi oo aanay jirin wax la ogyahay oo ka gaaray weerarkaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.