Madaxweyne Shariif oo kashifay xiriir ka dhexeeya Alshabaab iyo Burcad Badeeda.

Posted on Sep 27 2010 - 8:14am by News Desk
Tweet
Pin It

Sharif,Burcad and shababBartamaha (New York):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa u sheegay Beesha Caalamka xiriir rasmi ah oo ka dhexeeya Alshabaab iyo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

Madaxweynaha Dawladda FKMG Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa u sheegay madax uu la kulmay iyo dhammaan Beesha Caalamka in Burcad Badeeda ay dhaqaale culus siiyaan Alshabaab.

Madaxweyne Shariif oo hadalkii ii ka jeediyay Qaramada Midoobe ku sheegay in Alshabaab iyo Burcad Badeeda ay xiriira leeyihiin ayaa waxa uu sidoo kale Beesha Caalamka u gudbiyay qoraalo muujin karaya dhaqaalaha canshuur ahaanta ay u bixiyaan Burcad Badeeda.

Madaxweynaha waxa uu madax badan u gudbiyay kana dhaadhiciyay in Kooxaha Burcad Badeeda ay saacidaan Alshabaab maadaama alshabaab aanay dagaalka sii wadi Karin dhaqaale la’aan.

Alshabaab ayuu sheegay in ay ku xeranyihiin Al-qaacida islamarkaana labadaasi koox ay caawin ka helaan Burcad Badeeda oo hadda awooda in ay xeebaha dalalka badda India oo dhan ay gaaraan si ay howsha ay rabaan uga fuliyaan taasina ay tahay fal Al-qaacida masuul ka tahay.

Hadalka shariif iyo u gudbintiisa UN-ka waxa ay yihiin Burcad Badeeda iyo xiriira kala dhexeeya Alshabaab ayaa waxa uu noqon karaa mid culees soo saara Kooxahaasi Burcad Badeeda oo ah Kooxaha ugu dhaqaalaha badan dalka Soomaaliya.

Dowlada KMG ah ayaa muddo badan ka walaac sanayd awooda Burcad Badeeda maadaama ay yihiin koox xiriir wadaag la ah Alshabaab islamarkaana dani ay ugu jirto daaraha ay ka dhisanayaan dhulka shabaabka maamulaan iyo dhaqdhaqaaqa ay ka samaynayaan gudaha dhulkooda.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-