Madaxweyne Shariif oo ka fekerada qofkii uu u magacaabi lahaa Ra’iisul Wasaaraha.

Posted on Sep 26 2010 - 10:14am by News Desk
Tweet
Pin It

Sheekh_Shariif-300x262Bartamaha ( New york):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah  ayaa ka fekerada qofkii uu u dooran lahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukumadiisa.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed  oo waraysi siinayay laanta afka soomaaliga Ee Idaacada VOA ayaa sheegay in uu ka fekerayo qofkii uu u dooran lahaa Ra’iisul Wasaare.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in uu talooyin badan dhagaysanayo islamarkaana aanu ku deg degi doonin magacaabida Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Masuulkan oo hadda jooga New York ayaa laga yaabaa in uu la kulmo aqoon yahano badan oo Maraykanka ku sugan iyo rag can ah oo siyaasada aan looga maarmi karaynin.

Madaxweynaha waxa uu cadeeyay in uu la kaashanayo wada tashi badana la yeelanayo dadka waayo jooga ah ee sida wayn siyaasada dusha ugaala socanaya si uu u helo Ra’iisul wasaare xilkas ah.

Masuulkan waxa uu balan qaaday in todobaadyadan soo aadan uu magacaabayo Ra’iisul Wasaare basle uu inta ka horayso u sii fekerayo si uu u helo masuul mudan xilkaasi umadana ka saari kara dhibaatada haysta.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga  Afrika