Bartamaha(Sanca):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa gaaray Magaalada Sanca ee Dalka Liibiya halkaasi oo maanta uu kula kulmayo Madaxda Dalkaasi.
Madaxweyne Shariif ayaa xiligii uu soo gaarayay garoonka Magaalada Sanca waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibada Yaman Abuu-Bakar Al-Qirbi iyo madax kale.
Maanta ayaa la filayaa in madaxweynaha uu la kulmo dhigiisa Dalka Yaman Cali Cabdalla Saaalax sida ay baahisay Wakaalada Wararka Saba ee Dalkaasi Yaman.
Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa lagu wadaa in ay ku gorfeeyaan waxyaaba badan oo ku adan sidii nabad loogu hgeli lahaa Soomaaliya oo dhawaanahan dagaalo ay ka dhacayeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.