Madaxweyne Shariif oo Isniinta Soo Socota La Kulmi Doona Gordon Brown

Posted on Mar 5 2010 - 4:48pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

Sharif_Ahmed

Bartamaha (Mogadishu):- Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ee toddobaadkan uu booqasho ku tago dalka Ingiriiska.
Sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu safar rasmi ah ugu ambabixi doono magaalada London maalinta berito ee Sabtida.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ujeedada safarkiisu waxay ku saabsan tahay kulan uu la qaadan doono raisul wasaaraha Britain Gordon Brown iyo wasiiro ka tirsan dowlada Ingiriiska. Waxaana kulanka dhexmari doona madaxweynaha Soomaaliya iyo raisul wasaaraha Ingiriiska uu dhici doonaa maalinta Isniinta.
Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa RBC Radiou xaqiijiyey in safarka madaxweynaha ay ku wehlin doonaan qaar ka mid ah golaha wasiirada dowlada Soomaaliya.
Waxaana madaxweyne Sheekh Shariif kulamada uu la yeelan doono masuuliyiinta Britain looga wada hadli doonaa xiriirka labada dhinac iyo taageerada beesha caalamku ay siiso dowlada.
Madaxweyne Shariif ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale booqasho ku tago magaalada Birmingham oo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaali ah.
Dowlada Ingiriiska ayaa dhowaan xayiraad ku soo rogtay kooxda Al Shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Soomaaliya, tallaabadaasi oo ay soo dhoweeyeen masuuliyiinta dowlada Soomaaliya.
Waxay booqashadan ku soo beegmeysaa iyadoo tan iyo bishii October 2009 xeebaha Soomaaliya afduub loogu heysto lamaane British ah oo gacanta ugu jira burcad badeed Soomaali ah.

Xigasho. RBC Radio