Bartamaha(Kuwait):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya iyo Wafdi la socda ayaa gaaray Kuwait iyadoo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga uu hogaanka u yahay Madaxweyne Shariif ayaa waxa ay dalkaasi gaareen barqanimadii maanta Saacada Dalka Kuweyt halkaasi oo masuuliyiin sare ay klu soo dhaweeyeen.
Garoonya ayaa waxaa Madaxweyne Shariif ku soo dhaweeyay amiirka dalka Kuweyt iyo madax kale kuwaasi oo sugayay imaanshaha Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif ayaa waxaa la socday Wasiirada kala ah Amniga Qaranka Maxmed C/laahi Sanbaloodshe,Wasiirka Maaliyara Shariif Xasan,Wasiirka Arimaha Dibada Cali Jamac Jangali iyo Wasiirka dhalinyarada iyo Sportska Saleemaan Colaad Rooble.
Madaxweynaha ayaa waxa uu dalkaasi joogi doonaa illaa 2-cisho xiligaasi oo la filayo in uu kulamo la qaato Madaxda Dalkaasi Kuweyt wallow Cawa halkaasi uu ka socanayo kulamo kurdhac ah .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.