Madaxweyne Shariif oo gaaray Minnesota iyo kulamo la filayo in uu Soomaalida la yeesho.

Posted on Oct 3 2009 - 9:25am by News Desk
Tweet
Pin It

somalipres4.JPGBartamaha(Minnesota):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa saaka aroor hore xiliga Soomaaliya ka dagay Magaalada Minnesota Ee Gobolka Soomaalida ay ku badantahay Maraykanka ah Menioples.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu ka dagay Gobolka Minnesota halkaasi oo soomaali badan ay hurdada uga soo jeedeen sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha.

Safarka Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa in uu kulamo kula yeesho Jaliyada Soomaaliyeed Ee Dalkaasi dagan iyadoo labada maalmood uu joogo Menioples la filayo in uu kulamo jaaliyadaha la yeesho.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in lkagu soo dhaweeyay halkaasi iyadoo Arday iyo dhalinyaro si gaar ah soo dhaweynta loogu xilsaaray ay garoonka uga hortageen.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in dhawaan uu booqasho ku gaaro Gobolka OHIO Ee Dalka Maraykanka halkaasi oo loogu diyaargaroobayo sidii si wanaagsan loogu soo dhaweyn lahaa.

Waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee gaara Gobolada Soomaalida ay daganyihiin Dalka Maraykanka iyadoo dadka Soomaalida ah ay yihiin kuwa si wanaagsan ugu faraxsan soo dhaweyntana u taagan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.